Agosto 25 (radiowanlaweyn.com)—Alle Haunaxariistee Waxaa Maanta oo Khamiis ah Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Soomaaliya, xilal kala dawana ka soo qabtay dowladdii Milatariga Soomaaliya ee Uu Hogaamin jiray Marxuum Gen. Maxamed Siyaad Barre .

Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlada Somaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar kamid ah Madaxweyneyaasha Dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed.

Kahor inta aan la aasin Marxuumka ayaa Madaxda iyo Dadweynaha ay Salaad Janaaso ah kula tukadeen Xarunta Wasaaradda gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay.aas qaran aas qaran1 aas qaran2 aas qaran3aas qaran5