Agosto 25 (radiowanlaweyn.com)— Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Meydka Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar, iyadoo naxashka lagu siday meydkiisa la huwiyay Calanka Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa salaan sharaf siiyay Meydka, iyadoo la garaacay astaanta qaranka.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda dowladda, Wasiiro, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa in lagu aaso Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana saaka ka qeyb galaya Madaxda uu sareysa dowladda Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa dhowaan ku geeriyooday Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaa uu soo qabtay xilal kala duwan dowladdii Milateriga aheydmeydka1meydka