Agosto 24 (radiowanlaweyn.com)—Ilaahay Ha u Naxariisto Caasho Bashiir C/qani Shiikh Cismaan Shabelle ayaa ku Geeriyootay Wadanka Sudan gaar ahaan Gobolka Elobed oo Caasimadda Suudaan ee Khartuum u jiraa 560-km kana xiga dhanka Koonfur galbeed, kadib markii Ceel biyood ay ku dhacday.
Caasho Waxay Ahayd Ardayadii Ugu Sareesay Gabdhaha Puntland kaalinta Koobaadna u gashay Gabdhaha imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare Puntland Sanadkii 2014 2015,waxa ayna Imtixaankaas ku gashay Magaalada Qardho ..
Caasho Bashiir waxa ay Nasiib u yeelatay in ay hesho Deeq waxbarasho ee Wasaaradda Waxbarashda Dowladda Federaalka Somaliya waxa ayna ku guuleysatay Barashada Cilmiga Caafimaadka iyadoo dhiganeysay Jamacadda Kurdofan oo la’aas aasay Sanadkii 1990-kii.
Caasho waxa ay aheyd qof ku dadaala waxbarashada waxaana la sheegay in kaalinta koowaad gali jirtay iyadoo ardayda wax la barta ay si weyn ugu yaqaaneen ardayad ku daasha waxbarashada maadaama ay ka soo jeedo qoys waxbarashada Caan ku ah,waxaana Magaalada Qardho ku yaalo Dugsiga Sare ee Shiikh Osman oo looga magacdaray Awoowgeed.
Sidee u dhimatay Caasho.
Caasho waxaa la sheegay in hoygii ay dagaanaayeen ay ka go’een biyaha waxa ayna biyo u doonteen iyada iyo gabar kale oo ay wax isla baranayeen waxa ayna tageen Ceel mar hore la qoday oo biyaha laga dhaansado marka ay dhacdo biyo yaraan,waxaana si lama filaan ah ugu dhacday ceelka,waxa ayna weysay gurmad deg deg ah,waxaana dhib ka soo gaaray xangulaha iyo dhabarka iyadoo markii danbe laga soo saaray ceelka ayaa gurmar Caafimaad waxaa loogu qaaday Mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalo Gobolkaas,waxa ayna ku dhibatay Isbitaal Maalintii Axadda oo Taariikhdu ku beegneyd 21-08-2016-ka.
Caasho Ma helin Gurmad Deg Deg ah mana helin dad islamarkiiba ka soo saara Ceelka,waxaana arintaasi shaki badan ay galineysaa Nolosha iyo Qaabka ay wax u bartaan Ardayda wax ka barata Gobolkaasi.
Caasho Waxa ay ka mid aheyd ardayda ay Dowladda Federaalka Gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada ka helay Deeq waxbarasho waxaana arintaasi muujineysaa in Wasaaradda illaa iyo hadda aysan ka hadlin mana jirto baaris ay wado maadaama Wasaaradda ay Mas’uul ka tahay Ardayda Dibadaha ay waxbarashada ugu dirto.
Waalidka Caasho waxa ay codsadeen in la sameeyo Baaritaan dheeraad ah oo la xiriira sida ay Caasho ku dhimatay.
Caasho waxa ay dhalatay Sanadkii 1997-dii waxa ayna wax ku baratay kuna barbaartay Magaalada Qardho iyadoo ku dhimatay da’da 19 Jir.
Qoyska Caasho Bashiir Cabdiqani ayaa waxa ay ku noolyihiin Magaalada Qardho,waxana la sheegay markii ay maqleen Geeridda gabadhooda in ay aad u murugoodeen, waxaa sidoo kale geeridan ka naxay ardaydii ay wax isla baranayeen gabdhan Soomaaliyeed.