Agosto 24 (radiowanlaweyn.com)—Ciidamada boolis Faransiis ah ayaa si qasab ah dharka ugaga siibay gabar xirneyd dhar asturan oo loo yaqaan qamaarka mid kamid ah xeebaha dalka Talyaaniga.

Sawiro ayaa la soo dhigay baraha bulshada iyadoo sidoo kale wargeysyada caalamka ay wax ka qoreen booliska Faransiiska ah ee hubeysnaa kuwaasoo ku amray gabadhan in ay iska bixiso dharkii ay xirneyd.

Maamulada magaalooyin ku yaal koofurta Faransiiska ayaa mamnuucay in dharka qamaarka loo yaqaan ee daboolaya madaxa iyo jirka aan la xiran karin kadib markii weeraro ay ka geysteen dalka Faransiiska ururka IS.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday magaalada Nice Talaadadii waxaana sawiradan lagu arkay afar askari oo hubeysan kuwaasoo gabar ku sugneyd xeebta magaaladaa ku amraya in ay dharka siibto iyadoo magaaladaana ay ahayd magaladii uu nin dhalinyaro ah uu baabuur ku jiiray dad badan oo u dabaaldagayay maalinta xornimada dalka Faransiiska.

Haweeneyda lagu qasbay in ay dharka xijaabka ah iska bixiso ayaa sidoo kale la ganaaxay. “Waxaan la joogay qoyskeyga xeebta,”ayay tiri gabadhan oo 34 sano jir ah magaceedana ku sheegtay Siam,“Waxaan xirnaa dhar caadi ah oo madaxana aan ku daboolay qorshahayguna ma ahayn in aan dabaasho.”ayay tiri gabadhan.

Qof goobjooge ah oo goobta ku sugnaa ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdadan oo yiri;“Arrinta ugu murugada badneyd waxa ay ahayd markii dad goobta ku sugnaa ay ku dhawaaqeen’Ka tag meesha oo gurigaaga ku laabo’ halka qaar kalana ay u sacbinayeen ciidamada Booliska,”ayay tiri. Waxayna haweeneydaas goobjooga ahayd sii raacisay“Gabadheeda waa ay ooysay.”

Mamnuucida ay magaalooyin ku yaal koofurta Faransiiska mamnuuceen ayaa waxaa racfaan ka qaatay ururada u dooda xuquuqda dadka iyadoo la filayo in maxkamad ay go’aan ka gaarto khamista.