Agosto 22 (radiowanlaweyn.com)—Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xubno katirsanaa Maamulka iyo Shaqaalaha Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya ay lunsadeen lacag tiro badan oon wali cadadeeda aan la shaacin.

Xubno katirsan Bangiga Dhaxe ee Dowlada Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in la xaday lacago badan oo Khasnada bangiga ku jirtay, waxaana baxsaday oo baadi goob loogu jiraa xubno lagu tuhmayo in falkaasi ku lug lahaayeen.

Sida aan xogta ku helnay mid kamid Qasnajiyaasha Bangiga Dhaxe ayaa la sheegay in uu la baxsaday lacago badan uu lahaa Bangiga, waxaana masuulkan la sheegay in lacago faalso ah uu qasnada galiyay kadibna uu halkasai ka qaatay lacago Dollar fiican uu Bangigu lahaa.

Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay Xubno kamid ahaa Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Bangiga dhaxe ee Soomaaliya, waxaana xubnahan ay ku xiran yihiin sida aan xogta ku helnay Xarunta Dambi baarista CID ee Muqdisho, iyadoona wax laga weediinayo waxa ay kala socdaan xatooyada dhacday.

Arintan ayaa imaaneysa xili horey looga digay in la xado hantida Qaranka Soomaaliya inta lagu guda jiro xiliga kala guurka, waxaana laga cabsi qabaa in Xatooyo iyo Musuq maasuq ay dhacaan inta lagu gudajiro xiliga kala guurka.