Agosto 21 (radiowanlaweyn.com)-Global Peace Index oo ah hay’ad caalami ah oo qiimeyn ku sameysa arrimaha amaanka ayaa warbixin ay soo saartay kaga hadashay tobanka wadan ee dunnida ugu amniga xun.

Warbixintaan waxaa ay ku sheegtay heyaddu in heerka amaan xumo ee dunnida sanadkan ka dhacay ay ku qiimaysay sida ay dadka rayidka ugu waxyeeloobeen xaaladaha la xiriira dagaalada iyo xasaradaha.

Dalka Siiriya ayey warbixintan ku tilmaantay inuu yahay wadanka adduunka ugu amniga xun, iyadoo dalka Ciraaq oo ka mid ah wadamada qaniga ku ah shidaalka uu kaalinta labaad ka galay wadamada caalamka ugu amaanka xun.

Kaalimaha 3aad, 4aad iyo 5aad waxaa kala galay wadamada, Afghanistan Pakistan iyo Jamhuuriyadda bartamaha Afrika.

Wadanka Koonfurta Sudan oo hay’addu gelisay kaalinta 6aad waxaa ay sheegtay in dadka ku dhintay ay ka badan yihiin 300,000 tan iyo xiligii uu xoriyadiisa qaatay sanadon yar ka hor.

Heyadda Global Peace Index ayaa sheegtay in Soomaaliya ay warbixintan ka gashay kaalinta 9aad waxaana ka dambeeya oo kaalinta 10aad galay dalka Waqooyiga Kuuriya.

Global Peace Index waxaa ay sheegtay in wadamada warbixintan intooda badan ay saameyn weyn ku yeesheen ururo hubeysan oo dagaal adag ku jira kuwaasoo mararka qaar aan kala soocin dadka rayidka ah iyo ragga ay is hayaan.

Qiimeyn la sameeyey sanado ka hor ayaa Somalia waxay kaalimaha hore ee kow iyo laba kaga jirtay wadamada caalamka ugu amaanka xun, kaalinta 9aad ee sanadkan ay ku soo baxdayna waxay muujineysaa in amaanka Somalia uu sidii hore ka soo hagaagayo inkastoo dhibaatooyin badan ay weli ka jiraan.