Agosto 20 (radiowanlaweyn.com)MAXMED CALI SAMATER waxa uu dhashay sanadkii 1931kii waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Somaliya
Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaadhay Miltariga Somalia isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda milatariga Somalia ee gaadhay darajada Sareeye Guud oo ahyd darjadii ugu sarysay ee ka jirtay Somalia.
Waxaa uu xubin kahaa XHKS waxaana uu ka mid ahaa Golaha Sare ee kacaanka Soomaaliyeed, waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday talada dalka sanadihii 70meeyadii ilaa sideetamaadkii, waxaa uu 1980 ilaa 1986 ahaa wasiirka gaashaandhiga, 1dii Febdruary1987 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Raisal wasaarihii ugu horeeyay ee ay yeelato dawladii miltariga ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xilkaasi oo uu hayay tan iyo intii ay ka burburtay dawladdii dhexe ee somalia horaantii 1991kii.
General Maxamed Cali Samatar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha laf dhabrta u ahayd ciidanka Somalia ee ka qayb qaadatay dhismihiisa Milatariga.
Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cali khaliif Galayd oo ahaa raisal wasaarihii dawldii Carta ee sanadkii 2000 horena mar wasiir ka noqday dawladii kacaanka iskuna soo gaadheen golaha wasiirada
Sida uu sheegayo Cali Khaliif Galaydh General Maxamed Cali Samatar waxaa uu lahaa khibrad dhinaca maamulka ah isaga oo tilmaamay in marka loo eego saraakiishii miltari ee talada la wareegtay uu isagu soo dhawayn jiray dhalinyarada waxbaratay
Dadka faalleeya siyaasadii dawladii Kacaanka miltari waxaa ay xusaan in inqilaabkii miltari ka bacdi uu jiray loolan adag oo u dhexeeyay saraakiishii sare kuwaasi oo mid walba uu ka taamayay in uu qabto xilalka ugu sareeya, Hadaba maxay ahaayeen arrimihii u sahlay Genral Samatar in uu kaalinta labaad ee talada dalka uu galo isaga oo noqday madaxweyne ku xigeen iyo wasiirkii gaashaandhiga