Agosto 17 (radiowanlaweyn.com)—Maleeshiyada Kooxda Shiicada ah Ee Xuuthiyiinta Yeman ka dagaalanta ayaa lasoo sheegayaa inay weerar ka geysteen xadka ay wadaagaan Sacuudiga iyo Yeman.
Tiro katirsan Maleeshiyadaasi ayaa madaafiic waxay utuureen dhinaca Dalka Sacuudiga waxaana hoobiyeyaashaasi ku dhintay Afar qof oo Shacab Sacuudiyaan ahaa.
Waxaa sidoo kale dhintay Seddex qof oo shaqaale ka ahaa Magaalada Najran oo ah meesha ay wax ka dhaceen iyadoo Warshad halkaasi ku taalla ay hoobiyeyeaashu ku habsadeen.
Al Jazeera qeybteeda Ingiriiska ayaa goor dhaweyd waxay baahisey warkaan iyadoo Telefishinka Sacuudiga kasoo xigatay in 7 qof madaafiicdaasi ay ku dhinteen.
Tv-ga Ekhbariyah Ee Sacuudigu leeyahay ayaa sheegay in Xuuthiyiintu xalay weerar hoobiyeyaal ah la dhaceen Warshad ku taalla Meel ku dhaw Magaalada Najraan islamarkaana ku taalla Xadka ay wadaagaan Yeman iyo Sacuudiga.