Agosto 16 (radiowanlaweyn.com)—Sida aan kasoo xiganay illo lagu kalsoon yahay Xubno Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa qorsheenaya in ay isku soo sharaxaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana Qorshahaan Siyaasiyiintan wataan gadaal ka riixaya Siyaasiyiin iyana kasoo jeeda Beelaha Daarood iyo Digil iyo Mirifle ,kuwaa oo doonaya in dalka Madaxweyne ka noqdaan kana soo wareegto Madaxweynanimada Beesha Hawiye.
Sida aan Wararka ku heleyno qorshaha Siyaasiyiinta Hawiye isugu sharaxayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid lagu doonayo in lagu hor istaago damaca Madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in mar kale uu xilka kusoo laabto.
Qorshahan waxaa maal galinaya kana dambeeyay Xubno caan ah oo kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Daarood, saameyn badana ku leh siyaasada dalka, waxa ayna doonayaan in Daarood iyo Digil iyo Mirifle ku tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya.
Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in ay suurto gal tahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka loo doorto Beesha Hawiye hadii ay isku soo sharaxaan Siyaasiyiin magac leh, waxaana la saadaalinaya in Musharaxa Hawiye ee Gudoomiyaha Baarlamaanka uu heli karo Codadka beelaha Daarood iyo Digil iyo Mirifle.
Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa ku eedeeyay Beesha Madaxweynaha Soomaaliya kasoo jeedo in ay isku koobeen taladii dalka lana fogeeyay beelaha kale ee Hawiye, waxa ayna doonayaan Siyaasiyiintaas in markan uu is badal dhaco maadaama magaca Hawiye ay wax ku waayeen.
Beesha Hawiye ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku fadhisay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya halka Beesha Digil iyo Mirifle iyaduna sal dhigatay Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Beesha Daarood ayaa iyana qoondo ahaan u qaadaneysay R/Wasaaraha Soomaaliya.