Agosto 16 (radiowanlaweyn.com)—iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh uu ku dhawaaqay qorshe ah in uu yeelan doono saxiixa ugu dambeeya soo xulista laba aqal ee Baarlamaanka Cusub Soomaaliya ayaa tilaabadaasi waxaa si adag kaga horyimid Wakiilka gaarka ah ee Somalia u qaabilsan Qaramada Midoowe Michael Keating.
Amb: Keating ayaa u sheegay M/weynaha inaysan suurtagal ahayn in wax laga bedelo go’aamadii madasha qaran iyo dowladda ay wada gaareen, taladana ay tahay mid lawada leeyahay oo aysan jirin cid si gaar ah u yeelan karta go’aanka ugu dambeeya, waxana uu ugu baaqay M/weynaha iyo xulufadiisa inay u diyaar garoobaan tartan xalaal ah oo dhex mara qaybaha Soomaalida.
Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay beesha caalamka iyo Q.M damaca cusub ee m/weynaha iyo xulufadiisa, taasi oo ka dhigan haddii awood intaas la eg la siiyo inaysan jirin doorasho xalaal ah oo Soomaaliya ka dhacda