Agosto 16 (radiowanlaweyn.com)— Mareykanka ayaa sheegay in 15 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba loo wareejiyay dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in maxaabiistan ay in muddo ah ku xirnaayeen xabsiga Guantanamo, haatan loo wareejiyay Imaaraadka Carabta.

Maxaabiistan ayaa 12 ka mid ah waxy u dhasheen dalka Yemen, halka kuwa kalena ay u dhasheen dalka Afghanistan.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Madaxweyne Obama ee ku saabsan xirida Xabsiga Guantanamo Bay oo 15-kii sano ee la soo dhaafay lagu hayay dadka loo soo qabto falalka argagixisada.

Waa tiradii ugu badneyd ee maxaabiis ee la wareejiyo tan iyo markii ay bilaabatay in maxaabiistii ku xirneyd Guantanamo loo wareejiyo dalal aan aheyn kuwa ay u dhasheen