Agosto 16 (radiowanlaweyn.com)—Khilaaf xoogan, ayaa waxaa uu xilligaan soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Somaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo la tilmaamo in saaxiibo dhow yihiin.
Khilaafkan, ayaa ka dhashay kulan 9-kii bishaan Aqalka Madaxtooyada Somaliya ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mahad Maxamed Salaad iyo Madaxweynaha Galmudug.
Dhinacyadan, ayaa waxay Madaxweynaha Galmudug u soo bandhigeen in uu shaqada isaga taggo, maadaama bishii hore ee July uu qaliin adag oo dhinaca wadnaha uu ku maray dalka India, dhakhtarkuna uu kaga digay inaanu qaban shaqooyinka ad adag, isla-markaana uu u baahan yahay nasiino badan, kana fogaado buuqa.
Sidoo kale waxay u soo bandhigeen C/raxmaan Maxamed Xuseen uu noqdo Madaxweynaha Galmudug, Mahad Maxamed Salaadna loo magacaabo Wasiirka Arrimaha Gudaha, halka isaguna uu noqdo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, iyagoo walwal ka muujiyay xaaladiisa caafimaadeed awadeed. Waxay ku doodeen in xanuunkiisu uu ku soo beegmay, xilli adag oo lagu wado in doorasho ka qabsoomto dalka, iyaguna ay u baahan yihiin shakhsi si wayn uga soo ololeeyo dhinaca Galmudug, ee soo qorista Xildhibaanada.
C/kariin Xuseen Guuleed oo si adag uga horyimid amuurtaasi, ayaa sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, isla-markaana uu qabsan karo shaqadiisa, isagoona ku gacan-seyray soo jeedintooda. Maalintii xigtayba wuxuu C/kariin Xuseen uu u cararay Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu kula kulmay xubno uu ka mid yahay General Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid). Kulankaasi waxaa ka soo muuqday waxgarad iyo Xildhibaano ku deegaan ah, iyadoo uu u sheegay dalabkii Madaxtooyada ee ahaa in uu is casilo. C/kariin wuxuu kulankaasi ka sheegay in Madaxtooyadu uu yoolkeedu yahay in la inqilaabo Maamulka Galmudug.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaaya in beesha C/kariin ay si xoogan uga hortimid qorshaha uu dhabarka ka riixaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna u ballanqaadeen in booskiisa aanu nin kale la wareegi doonin, iyagoo ku hanjabay in af iyo muruqba ay ku difaacayaan