Agosto 15 (radiowanlaweyn.com)—Weeraryahankii hore ee kooxda Aston Villa Dalian Atkinson ayaa dhintay ka dib markii qori ku toogteen ciidanka booliska, sida ay sheegayaan wararka.

West Mercia Police (WMP) ayaa xaqiijiyay in nin 48-sano jir ah uu dhintay sacada gudaha Uk marka ay aheyd 03: 00GMT maanta oo isniin ah, kadib markii saraakiisha laga soo wargeliyay degaanka Telford oo xaalad amaan ay ka jirtay.
Press Association ayaa sheegtay shakhsiga dhintay in lagu magacaabo Atkinson, kasoo ahaa ciyaaryahan hore oo 85 kulan u saftay kooxda Villa intii u dhexaysay 1991 iyo 1995.

Police ayaa xaqiijin karin waxa ka dhacay goobta iyo sababta loogu yeeray guriga ciyaaryahankan hore  lakiin warka qoraalka ah ee booliska ayaa lagu sheegay in bartitaaan dheeri ah la sameyn doono.

Ilaa hadda ma cadda sababta Ploice-ka ay ugu isticmaaleen ninkaan Qorogooda nooca loo yaqaano tasere-ka oo ka dambeeyay dhimashada ciyaaryahankaan.