15-ogosto-(radiowanlaweyn.com)-Tan iyo Bishii Abril ee sanadkii 2015-ka, Oromadu waxa ay dhammaan dalka ka dhigayaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dilka iyo caburinta qowmiyadooda Oromada lagula kaco. Waxaa kiciyay mudaharaadyadan qorshe lagu doonayay in lagu balaariyo caasimada dalka Itoobiya, isla markaasna lagu gaarsiinayo tuulooyinka iyo magaalooyinka deegaanka Oromada.”
Mudaharaadyadaas hore, Hay’adda u dooda Xuquuqul Insaanka iyo Mucaaradku waxa ay sheegeen in lagu dilay 400 oo qof oo ah dadkii dibadbaxa dhigayay.Mudaharaad ballaaran oo ay dhigeen Sabtidii [4-tii Ogos] Oromada oo ah qowmiyada ugu balaaran Itoobiya iyo Geeska Afrika waxa ay markhaati cad u tahay musiibada handadaada sidata colaad faraha la isaga gubto in ay dalka ku tuurto.
Mudaharaadyadu waxa ay ka dhaceen in ka badan 200 oo magaalo iyo tuulooyin oo ku yaala Oromiya, oo ah gobalka ugu weyn Itoobiya waxaana ka qeybqaatay boqolaal kun oo dad ah, sida ay sheegtay saxaafada Oromada ee Oromia Media Network (OMT), xoogaga ammaanku waxa ay u adeegsadeen dibad baxayaasha rasaas nool-nool, boqol qof ayaana lagu dilay. sidaas waxaa sheegay warbaahinta Caalamiga ee (CNN)
Axmaarada, qowmiyad kale oo ah midda labaad ee soo raacda Oromoda ayaa magaalada Gondhar ka dhigtay mudaraad ka dhan ah Taliska TPLF ee xoreynta Tigray horaantii bishii Luulyo. “Waxa ugu weyn ee ay ka cabanayeen Axmaaradu waa degmooyinka—Welkait, Telemt iyo Tsegede —oo sanadihii 90-aadkii laga qaatay oo la raaciyay Tigray in dib loogu soo celiyo gacanta maamul gobaleedka Axmaarada,” sidaas waxa yiri Alemante Gebreselassie, Profisor hore oo culuumta sharciga ka dhigi jrey Jaamacada William & Mary ee gobalka barigi ee Virginia, Mareykanka. Sidaasina waxaa sheegtay (VOA)
Mudaharaadyada ugu waaweyn waxa ay ka dhacayaan is maamulada Gobalada Oromada iyo Axmaarada. In ka badan 100 nafood ayaa lagu dilay Jimcadii iyo sabtidii todabaadkii hore.

Sargaalka ugu sareeya Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in dawlada Itoobiya ay si deg-deg ah ugu ogolaato dad baaris ku sameeya dilalka ka dhacay gobalada Oromo-da iyo Axmaarada, hase yeeshe; Afhayeenka Itoobiya Getachew Reda ayaa kaga jawaabay in ay dowladu dadkeeda matasho oo ay iyada laftigeedu baaris soo sameynayso haddii ayba jirto ciidan ammaan oo geystay gabood fallo. Sidaasina waxaa sheegay warbaahinta (Al-Jazeera)
Axmaaro iyo Oromo badan waxa ay dareensanyihiin in qowmiyada Tigray oo boqolkiiba lix 6% ka ah dalka in ay si xaqdaro ah u haystaan ciidankii, sirdoonkii, ganacsigii iyo siyaasadda.Mudaharaadyadu waa kuwii ugu horeeyay ee si lama filaan ah u dhaca si qeyra caadiyana ay uga ciyaareen dadka qowmiyada Oromadu,waana kii ugu weynaa taniyo markii uu geeriyooday Meles Zenawi, oo dalkaas xukumay 20 sano. (CNN) ayaa sidaas sheegtay.
Ra’iisal Wasaare Xaylemarian Desalegn ayaa buuxin kari waayay tabihii uu ku dajin jiray dadka ku kacsan, Zenawi oo hogaan jabhadeed ahaa una dhintey cudar aan la sheegin sanadkii 2012-kii, waxaana uu ahaa mid raali galiya kuwa ku kacsan. Desalegn oo ka soo jeeda Shucuubta Koonfureed (Sidama) kalsooni kuma qabo Tigray-ga ku hareereysan mana yaqaan tabihii Zenawi uu wax ku xalinjiray.
Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee ugu dad badan marka laga yimaado Nigeria, xasiloonida ka jirtay waxa u bogay Reer-Galbeedka.
“Waligeedba waxa uu dalkan ahaa mid ay adagtahay isku hayntiisa iyo horay u socoshadiisuba, weyna ka sii adkaan doontaa,” waxaa sadaas yiri Rashid Cabdi, madaxa Hay’adda ka hortaga xasaradaha ee Afrika.” Sidaasina waxaa qorey wargeyska (New York Times)
Dowladu waxa ay ku eedaynaysaa mucaaradka gudaha iyo midka dibada in ay abaabulayaan waxa ay ugu yeertay,”dibadbaxyo aan sharci aheyn oo ay wadaan nabadiid” Hadal ka soo baxay xafiiska warfaafinta dowlada ayaa lagu sheeegay, dad ka mid ah dibadbaxayasha in ay wateen “hubka wax gumaada” oo ay ka mid yihiin walxaha qarxa. Mucaaradu wuu iska fogeeyay eedaas, waxa uuna sheegay in dibadbaxyadu ay ahaayeen kuwo nabad ah oo aan hubeysneyn.(CNN) ayaa sidaas sheegay.
Oromoda iyo Axmaarta ayaa dhinac iska dhigay colaad dhextaalay qarniyaal badan waxa ayna isu muujiyeen taageero iyada oo banaanbaxayaashii Axmaaradu boorarka ay wateen ay ku qornaayeen “Jooji dilka walaalkay” iyo “Xoriyaddiisa u soo celi Bekele Gebra” Ina Gebra waa gudoomiye ku xigeenka xisbiga Oromo Federalist Congress. sidaas (VOA) ayaa sheegtay