Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, Kolonyo gaadiidka Amisom ayaa qarax Khasaare geystay waxaa lagula beegsaday Gobolka Shabellaha hoose.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa la sheegay in gaadiidkaan lagula beegsaday inta u dhaxeysa Deeganada Leego iyo Balidoogle oo Shabellaha hoose ka tirsan.
Dad deegaanka ah ayaa xaqiijiyay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Amisom inay qabsatay Miinada, halkaasina uu Khasaare ka soo gaaray ciidamada Amisom.
Wararka waxa ay sheegayaan gaadiidkaan oo ka soo ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Balidoogle inay ku sii jeedeen deegaano ka tirsan Gobolka Baay, balse wadada ay ku qabsatay Miinadaasi.
Waxaanan si dhab ah u cadeyn Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ciidamada Amisom ka soo gaaray qaraxaasi maanta barqadii lagula beegsaday Wadada xiriirisa Leego iyo Buurhakabo