Jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee dalalka Yurub iyo America ayaa soo gaarsiiyay magaalada Jowhar gaari damdamis ah kaasi oo ay ugu deeqeen shacabka gobolka Sh/dhexe inay ugaga hortagaan dabka.

Munaasabad lagu wareejinayay maamulka gobolka Sh/dhexe gaarigan dabdamiska ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka iyo kan degmada jowhar.

Marwo Kifaayo Xasan Nuur oo wakiil ka ahayd jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee qaarada Yurub iyo America ayaa sheegtay in ay jaaliyada gobolka ay diyaar u tahay inay ka qeybqaataan horumarka gobolka ayna noqon doonin markii ugu dambeysay ee ay ka qeybqaataan horumarka gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Mudane C/dir Cabdule Buurfuule oo ku hadlayay magaca maamulka degmada Jowhar ayaa u mahadceliyay jaaliyada gobolka ee qaarada Yurub iyo America dabdamiskan ay soo gaarsiiyeen.

“Dabdamiskan waa aalad ku haboon sidii dabka lagu damin lahaa balse waxaan idinka rajeynaynaa in jaaliyada ay ka qeybqaadato horumarinta beeraha iyo kahortagga fatahaada wabiga Shabelle.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar C/qadir Buurfuule.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa munaasabadan ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen waxana uu u mahadceliyay jaaliyadaha gobolka gaar ahaan kan degmada Jowhar oo iyagoo isku duuban u keenay shacabkooda gaarigan dabdamiska ah.

“Jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee ku nool dalalka caalamka waa kuwo marwalba ku dadaala sidii ay u gaarsiin lahaayeen shacabkooa wixii ay awoodaan,waxaan u ballanqaadeynaa jaaliyada in wax walba oo ay soo dhiibaan in ay ugaga mahadcelinayaan.”ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ugu baaqay shacabka gobolka ee ku sugan dalka iyo dibadiisaba inay u istaagaan sidii loo dayactiri lahaa wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka oo dhererkeedu yahay 90km.xaflad-dabdamis-2 xaflad-dabdamis-6