Agosto 14 (radiowanlaweyn.com)—Booliska Kenya ayaa gacanta ku Dhigay Xarrummo Ganacsi oo lala Xiriirinayo in uu Maal-galinayay sargaal sare oo ka Tirsan Al-Shabaab una Dhashay Wadanka Kenya.
Laamaha Amaanka Kenya Ayaa Sheegay in Axmed imaan Cali oo loo Yaqaanno Abu Zinira uu yahay baxsad aay Baadi Goobayaan Ciidamadda Amaanka Kenya, waxaayna Sheegeen in uu Kaqalin Jabiyay kuliyadda Engineer-riyadda ee Jamacadda jomo Kenya Kahor in uusan ku Biirin Al-shabaab, Sidoo kalena uu maal galiyay Ganacsiyo ku Yaalla Magaladda Nairobi Si uu Dhinaca Maaliyadda Ugataageerro Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.
Sida uu Qoray wargeeyska Daily Nation Ganacsiyadda aay Gacanta ku Dhigeen Ciidamadda Amaanka Kenya waxaa ka mid ah Dukaamo waaweeyn oo lagu Gaddo Dharka, iyo School-llo loogu Tala galay Bar-baarinta Caruurta.
Sidookale Ciidamadda Kenya ayaa Sheegay in Ganacsigaan uu lacagta ka Aruuri jiray Musa Mutevi oo Ah Wakiilka Axmed iimaan Cali u Qaabilsan Aruurinta Lacagaha Qarsoodiga ah ee loo Dirro Al-shabaab.
Lamaaha Amaanka Kenya Ayaa sidoo kale Shaaciyay Magacyadda Rag kale oo Somaali iyo Kenyan isugu jira oo aay sheegeen in aay magaaladda Nairobi ku leeyihiin Ganacsiyo Waaweeyn, waxaanna Kamid ah Ragga boolisku aay magacyadooda Soo Bandhigeen Ramadaan Kioko, Maxamed Tajir Cali iyo JUma Ayuub.
Ciidamadda Amaanku waxaa aay Tilmaameen in aay Sidhow ula Socdaan Dhaq-dhaqaaqa Ragkale oo la sheeegay In aay Iibiyaan Badeecoyinka yar-yar-ka ah islamarkaanka Taageeero Ufidiya Al-shaaba
Waxaa lagu Qiyaasay lacagta laga Aruuriyo Ganacsiyadda Axmed Iimaan Cali 50,000 oo la cagta Kenya ah Bil kasta, waxaana loo soo Diraa Soomalia Iyadoo La Adeegsanayo Xawaaladdo aan Rasmi ahayn iyo Nidaamka Taleefanadda lacagaha la isugu Gudbiyo, sida aay Xaqiijiyeen Sirdoonka Kenya
Laamaha Amaanka Kenya ayaa Marwalba Fuliya Hoowlagallo aayku Baadi goobayaan dadka Lalaxiriirinayao al shabaab, Boliiska Kenya ayaanna Horayna u shaaciyay in ay Jiraan Dhalinyarro u Dhalatay Kenya oo ku Biiraya Alshabaab islamarkaana kadaagaalama Gudaha dalka Kenya