Agosto 13 (radiowanlaweyn.com)—Orodyahanadda Soomaaliyeed Maryan Nuux Muuse oo ahayd gabadha qura ee Soomaaliya uga qeyb galeysa ciyaaraha Olombikada Adduunka ayaa ku hartay wareegii koowaad ee tartanka 400 Mitir.
Dadak Soomaaliyeed ayaa wada eegayay tartanka oo ahaa mid aad u adag oo ay la safnaayeen orodyahanno heer caalami ah, waxayna ka gashay kaalinta 8aad ugu danbeysa sidii la filayay..
Rajada laga qabo in ciyaaryahanada Soomaalida ay guul ka soo hooyaan tartannada caalamiga ah ayaa ah mid hooseysa marka la eego xaaladda Soomaaliya, waxaana  guul loo arkaa inay calanka geeyaan tartamada adduunka.Maryan-Muuse-768x451