Agosto 13 (radiowanlaweyn.com)ā€” Halyeygii hore ee xulka qaranka Turkiga Hakan Sukur ayaa lagu soo eedeeyay inuu qeyb ka ahaa afgambigii fashilmay ee bishii la soo dhaafay dalkaas ka dhacay.
Hakan Sukur oo horay uga soo ciyaaray Kooxaha Inter Milan iyo Blackburn Rovers ee dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa sanado ka hor siyaasada ku biiray.

Booliska dalka Turkiga ayaa baadigoobaya, iyadoo loo jaray ruqsada lagu soo xirayo, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo halka uu ku sugan yahay.

Hakan Sukur ayaa horay u ahaa Xildhibaan ka tirsan Xisbiga talada haya ee AK Party, balse waxaa uu iska casilay sanadkii 2013.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay inuu xubno ka yahay urur argagixiso, gaar ahaan ururka Fethullah Gulen, isla markaana dhowr jeer oo hore dibada uga baxay dalka.

Twitter-ka iyo website-kiisa ayaa hawada ka maqnaa maanta oo Jimce ah laakiin horay ayuu u sheegay in uu taageero Fethullah Gulen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Hakan Sukur ayaa xilli ahaa saaxibo aad isugu dhow, waxaana marar badan uu safaro dibada ku wehliyay Erdogan.Hakan-sukur1 Hakan-Sukur