Agosto 12 (radiowanlaweyn.com)—Duubabka Dhaqanka gobolka Hiiraan oo si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa si adag uga hadlay Qodobbadii dhawaan laga soo saaray Shirkii Wada-tashiga ee Hoggaamiyayaasha Somalia ugu soo Dhammaaday magaalada Muqdisho.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa sheegay inay shirka madasha-wadda-tashiga kusoo dhamaaday sidda uu hadalka u dhigay wax aan aheyn wixii bulshada Soomaaliyeed ka filayeen, isaga oo dhinaca kalana sheegay in dhamaan wixii wadda -hadalo ahaa ee u dhaxeeyay urur gobolleedka IGAD,dowladda federaalka iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan soo afjarmeen.

Ugaaska ayaa sheegay in go’aamada shirka madasha-wadda-tashiga ka soo baxay noqdeen oo kaliya in hogaamiyayaashii ka qeyb-gallay siddii ay doonaan iyaga wax u maamuleen, islamarkaana waqti badan lagu lumiyay sida uu hadalka u dhigay ka shaqeynta cadaalad-darro iyo dadka la iska horkeeno