Agosto 12 (radiowanlaweyn.com)—Raysulwasraaha dalka Turkiga Binali Yildirim,ayaa shaaca ka qaaday inay dowladdiisu qorsheynayso inay bisha soo socoto gargaar bini’aadan-nimo gaarsiiso magaalada Gaza ee dalka Falastiin.

Ka dib kulan uu magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda dalka Falastiin Riyad al-Maliki , ayuu ku ballan qaaday iney dowladdiisu sii wadi doonto taageerada ay u hayso dadka reer Falastiin.

Turkiga ayaa soo dhoweeyay fekerka ay Falastiin ka qaadatay Fetullah Gullan, oo ah ninkii ka dambeeyay afgembigii dhicsoobay ee la doonayay in lagu Inqilaabo dowladda Rajab dayib Erdogan 15-kii July ee sanadkan, kaasoo galaaftay nolosha 240 qof halka 2,200-na ay ku dhaawacmeen.

Israa’iil ayaa billowday howlgal militari oo ka dhan ah Marinka Gaza bishii July 2014-kii, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 2,000 oo qof,halka ay 11,000 oo kalena ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay tirokoobyadii ay samaysay wasaaradda Caafimaadka Falastiin.