Agosto 12 (radiowanlaweyn.com)— Aktarka caanka ah ee jila Filimaanta Hindiga ee Bollywood ayaa shalay oo khamiis aheyd lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Los Angels ee dalka Mareykanka, iyadoo su’aalo ay weydiiyeen Waaxda Socdaaka Mareykanka.

Waa markii saddexaad oo Shah Rukhan lagu xiro garoomada diyaaradaha Mareykanka, iyadoo uu aad ugu xumaaday arrintan.

SRK ayaa qoraal kooban uu u soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu fahamsan yahay, ixtimaayana sida ammaanka caalamka yahay, balse xariga mar walba kula kacaan Waaxda Socdaalka Mareykanka ay tahay wax uu aad uga xun yahay.

Bilowgii sanadkii 2012 ayaa aktarkan lagu xiran garoonka diyaaradaha Mareykanka, iyadoo su’aalo la weydiiyay 2-3 saacadood.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Koofurta iyo Bartamaha Aasiya Nisha Biswal ayaa raalli gelin ka bixisay xariga Shah Rukh Khan, waxaana ay sheegtay in tani ay mararka qaar ku dhacdo xataa siyaasiyiinta mareykanka, marka ay marayaan baaritaanada Air Porka.

Safiirka Mareykanka ee Hindiya Richad Verma ayaa sidoo kale raalli gelin ka bixiyay xariga Shah Rukh Khan, waxaana uu balan qaaday in aanay mar dambe soo laaban doonin

Warbaahinta Hindiya ayaa si aad ah uga hadlayay xariga saacadaha ah ee Aktarkan caanka ah, waxayna qaarkood ku sababeynayaa inay tahay arrimo lagu magac dilayo aktarka ama mid diimeed, maadaama uu Muslim yahay