Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Turkiga Afkan Alla, ayaa sheegay inay Xukuumadiisu si KMG ah shaqada Dawladda uga joojisay 75.000 Shaqaale, in ka badan 16.000 kalana Xabsiyada la dhigay , isla markaana baaris lagu hayo hadii ay wax lug ah ku leeyihiin isku daygii afgenbigii fashilmay iyo in kale.
Dhanka kale, Wakaaladda Wararka Turkiga ANADOL, ayaa iyana soo warisay in 17.000 qof damiin lagu siidaayay , iyadoo kuwa si rasmi ah xuriyadooda dib u halayna ay dhan yihiin 3.600 qof.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga wuxuu kaloo tilmaamay inay jiraan askar dalka ka baxsatay oo gaaraysa 190 Mileteri, 96 Polis ah iyo 9 Generaal haatana baadigoobkooda uu socodo.
Sidoo kale, markii uu dhicisoobay Inqilaabkaas, waxaa dalka Turkiga ka cararay 3.000 Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyaal isugu jira.
Ugu dambeystii wuxuu sheegay inay Wasaaradiisu ku tala jirto howlgelinta 20.000 Polis cusub iyo 10.000 kale oo ah Ciidamada howlgalka khaaska ah mudada xukunka deg degga uu dalka ka socodo.