ogosto 11(radiowanlaweyn.com)-Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku toogtay agagarka buundada Ansalooti oo ka tirsan degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho gabar ka tirsan dadka degaanka.
Haweeneydan oo magaceeda la oran jiray Falastiin Cabdi Haandhey ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo markiiba goobta ka baxsday.
Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ay shaqaale ka aheyd hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay, taliyaha heyadda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Max’uud.
Xubno ka tirsan qoyskeeda ayaa sheegay in xiliga la dilayey haweeneydan ay taagneyd laamiga Ansalooti ayna halkaas ku sugeysay gaadiidka dadweynaha, iyadoo ku sii jeeday goobteeda shaqada.
Ciidamada nabad sugida dowlada Soomaaliya oo daqiiqado ka dib gaaray halka dilku ka dhacay ayaa xaafadaha ku dhow dhow ka sameeyey howlgalo tiro dhalinyaro ah lagu xirxiray kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ku jiraan kuwii dilkaas fuliyey.
Haweeneydan la toogtay ayaa la sheegay iney qoyskeeda keligeed u shaqeyn jirtay, ayna noloshoodu ku tiirsaneyd shan caruur ah oo ay dhashay iyo hooyo iyo aabe waayeel ah, waxaana dilkeeda aad uga xumaaday dadka degaanka