ogosto 11(radiowanlaweyn.com)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dib ugu laabtay Shalay Kismaayo isagoo si diiran loogu soo dhaweeyey Halkaasi.
Soo dhaweyn kadib markii loo sameeyey Axmed Madoobe ayuu shir jaraa’id qabtay kana hadlay sida uu u arko shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Lagu soo gaba gabeeyey Maalin Ka hor Ee Muqdisho.
Axmed Madoobe ayaa waxa uu saxaafada usheegay in ay soo dhaweenayaan qodobadii ku jiray War Murtiyeedkii kasoo baxay shirkii madasha ee lagu soo xiray Magaalada Muqdisho.
Waxa uu muujiyey Axmed Madoobe in xitaa iyagu ku qanacsaneyn habka loo qeybsaday Xubnaha Aqalka Sare ayna utanaasuleen Soomaalinimo iyo in la gaaro wax kasta oo guul ah.
Axmed Madoobe ayaa sheegay xitaa hadii ay dhacdo in qoondada Jubba-land ee aqalka sare xubno cusub laga jaro iyadoo lagu raadinayo Soomaalinimo ay diyaar u yihiin oo wax dood ah aysan ka qabin waxaana uu intaas raaciyay in Musharax uusan aheyd isagoo habaaray musharaxii lacag ku