Agosto 10 (radiowanlaweyn.com)—Wakaaladda gargaarka Qaraamada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga falastiin ee Anrow, ayaa shaacisay in Magaalada Gaza ee dib u dhis ugu sameynayso Qoysas Falastiiniyiin ah oo hore dagaalkii Ciidamada Isrel ay ku qaadeen magaaladaasi ku burbiriyeen Guryahooda.

Wakaaladdu waxay intaa raacisay, in qoysaskaasi oo dhan 189, loo qeybin doono lacag gaaraysa 2.2 milyan oo Dollar, si ay dib ugu dhistaan Guryahoodii cadawga Israel dumiyay.

Wakaaladda Wararka Iskaashiga Islaamka , ayaa iyana sheegtay in Todobaadkan gudihiisa ay Qoysaskaasi falastiiniyiinta ah lacagahaasi ka qadan doonaan ama loo soo marin doono Bangiyada maxliga ee magaalada Gaza.

Tirada Guud ee Qoysasaka falastin ee Israel guryahoodii ka dumisay ayaa waxa ay gaarayaan 1,288 Qoys,  waxaana ilaa hadda Gurayahooda Gaza dib ugu soo laabtay 201 Qoys,kadib markii loo dayactiray