Agosto 10 (radiowanlaweyn.com)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo uu ku tagayo booqashadii u horeysay.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee taariikhda Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dhulka la oran jiray Soomaali Galbeed oo ay Itoobiya heysato, kaasoo ahaa dhulkii uu ka dhashay dagaaladii 1977 ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Lama oga ujeedada safarka Madaxweynaha ee Jigjiga, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa Madaxda Soomaalida ee halkaas tagayay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa labo sano ka hor tagay Jigjiga, sidoo kale waxaa tagay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ka jira.

Magaalada Jigjiga ayaa ah xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee hoos-tagta dowladda Federaalka ah ee Itoobiya