Agosto 10 (radiowanlaweyn.com)— Ciidamada Kumaandooska ee ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa howl gal qorsheysan ka fuliyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo howl galkan la sheegay in lagu soo qabtay shan ruux oo uu ku jiro Sarkaal.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. Cali Baashi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA in howl galkan qorsheysan lagu qabtay nin magaciisa lagu sheegay Saciid C/llaahi Abuukar oo loo yaqaano Al-Suudaan

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galka ay sameeyeen Ciidamada Kumaandooska uu ka kala dhacay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ee ay ka kala taliyaan Puntland iyo Galmudug.

“Howl galkan wuxuu ku soo dhamaaday sidii loogu tala galay, wuxuuna ka dhacay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka.

Lama sheegin in ciidamada Kumaandooska ay howl galkan ku wehliyeen Ciidamo ajnabi ah iyo in kale

Ciidamada Kumaandooska oo ay tababareen Ciidamo Mareykan ayaa dhowaan la geeyay magaalada Gaalkacyo, iyagoo la dejiyay meel duleed ka ah Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waxaana ciidamadan la socda Ciidamo Mareykan ah oo aan tiradooda la sheegin.