Agosto 10 (radiowanlaweyn.com)—Wasaaradda Caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in 11 caruur ah ay ku geeriyoodeen Dab  Xalay ka kacay Isbitaal ku yaal magaalada Baqdaad ee Xarunta dalka Ciraaq.

Wasaaraddu waxay cadeysay in Dabkaasi uu ka dhashay maaso Koronto oo qabsatay qeybta dhalmada caruurta ee isbitaalkaasi lagu magacaabo Al-yarmuuk oo ka mid ah Isbitaalada ugu weyn ee magaalada Baqdad, waxaan durbadiiba shilkaasi u gurmaday kooxda gurmadka deg degga ah ee Dab-damiska.

Warbaahinta Ciraaq, ayaa soo warisay in 29 Haweyn Bukaan ah iyo 7 caruur in si deg deg ah looga saaraay dhismaha Isbitaalkaasi dabka ka kacay, waxaana laga soo waramay in howsha daminta Dabkaasi ay socotay muddo 3 Saac ah.

Sanadkii 2004 tii, ayay aheyd markii Dab noocan ah uu qabsaday Isbitaalkaas,arrimo xagga maamulka iyo dayacaad awgood ayaa loo sababeynayaa Dabka