Agosto 9 (radiowanlaweyn.com)—Ilo muhiim ah oo aan ka helnay Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa noo sheegay in qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho xilka laga qaaday.
Inkastoo si faah faahsan loo siin warkaan Warbaahinta hadana waxaa la sheegay in la isku badelayo Labo Gudoomiye Degmo oo Gobolka Banaadir ah.
Gudoomiyihii Maamulka Degmada Dharkiinleey Cumar Meyre Macoow la sheegay in loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Kaaraan waxaana gudoomiyihii Kaaraan isna loo dhiibay Xilka Maamulka Dharkiinleey.
Wasaarada Arimaha gudaha ayaana ku micneesay arintaasi mid lagu dar dar gelinayo shaqada ay hayaan waxaana qaarkood la sheegay in fadhiid shaqo ay sameeyeen xilka looga qaadi doono gudoomiyeyaashaasi