Agosto 9 (rdiowanlaweyn.com)—Nin u dhashay Waddanka Shiinaha ayaa la sheegay inuu dilay haweeneey iyadoona mid kale uu dhaawacay gudaha Waddanka Kenya sida Saxaafada sheegtay.
Ninkaan Shiineeska ah ayaa dalxiis ku jooga Waddanka islamarkaana uu dilay Haweeney iyo Seygeedii uu dhaawac halis ah u geystay.
Booliska ayaa talaadada manta waxay sheegeen in mindi loo adeegsaday falkaasi ayna baaritaan ku hayaan Hoteelka la yiraahdo Keekorok oo ku yaalla Magaalada Masai Mara Koonfurta Waddanka Kenya.
Xilli Casho ayey aheyd marka dilka uu dhacayey waxaana markii dambe la sheegay in la ogaaday dhibaato dhexmartay ninkaasi gacan ku dhiiglaha iyo Ninka la dhaawacay ay ka dambeysay in haweeneydii Saaxiibtiis aheyd ku geeriyooto.
Booliska Gobolka Rift Valley Sargaal u hadlay oo lagu magacaabo Gideon Kibunjah ayaa sheegay in la xiray dalxiisihii Shiineeska ee dilka geystay maxkamadna la saari doono.
“Haweeneyda geeriyootay ayaa Xarun caafimaad oo lagu daweeyo loola cararay nasiib xumo goobta ayey ku quur baxday iyadoo Seygeeda dhaawaciisa lala tacaalayo,sidaa waxa sheegay Taliye Kibunjah.