Agosto 9 (radiowanlaweyn.com)— Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka Recep Tayyib Erdogan iyo Vladamir Putin ayaa maanta ku kulmay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, halkaasoo maanta Madaxweyne Erdogan uu ku tagay booqasho rasmi ah.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee uu Erdogan ku tago Ruushka, kadib markii uu fashilmay isku daygii afgambi ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro bishii la soo dhaafay.

 

Xiriirka Ruushka iyo Turkiga ayaa mugdi galay, kadib markii Turkiga uu soo riday bishii November ee sanadkii hore diyaarad dagaal uu Ruushka lahaa, taasoo duqeyn ka waday dalka deriska la ah ee Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib u soo celiyo iskaashigii dhanka dhaqaalaha ee kala dhaxeeya Turkiga iyo xiriirkii diblomaasiyada.

Erdogan ayaa u mahad celiyay dhigiisa Ruushka, markii uu cambaareeyay isku daygii afgambiga ee fashilmay.

Ka hor inta husan Erdogan ka dhoofin Turkiga waxaa uu sheegay in Putin uu yahay saaxibkiisa, isla markaana uu doonayo inuu bog cusub u furo xiriirka Ruushka.

Ruushka ayaa cunaqabateyn dhinaca dhaqaalaha ku soo rogay Turkiga, markii diyaarad uu soo riday, waxaana bishii June ee sanadkan uu Madaxweyne Erdogan raalli gelin ka bixiyay diyaaradii ay soo rideen.

Booqashada Madaxweyne Erdogan uu ku tagay Ruushka ayaa loo arkaa mid uu ku xoojinayo xiriirkiisa Ruushka, kadib markii qaboobay xiriirkii uu la lahaa reer galbeedka, wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay.