Agosto 9 (radiowanlaweyn.com)—Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya Ciidan Mareykan ah ayaa kusugan Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose kuwaaso la tilmaamay inay xarun tababar ciidan ka sameysteen halkaasi.
Kumaandoosta Mareykanka Saraakiil ka socota ayaana Xeradaasi jooga oo casharo siinaya Ciidanka Soomaalida ee halkaasi lagu tababar siinayo.
Madaxweyne Kuxigeenka Labaad Ee Maamulka Jubbaland Suldaan Cabduqaadir Luga dheere oo kormeeray Xeradaasi Ciidanka Jubbaland loo tababarayo ayaa amaanay howsha socoto iyo Casharada lasiinayo Ciidankaasi kuna adkeeyey inay noqdaan kuwo dalka ka xoreeya Al Shabaab.
Suldaan Luga dheere ayaa ciidanka khudbad uu jeediyey waxa uu ballan qaaday inay heli doonaan mushaarkooda marka uu usoo dhamaado Carbiska ay qaadanayaan lagana sugayo inay Shabaab ka saaraan Deegaanada ay ka joogaan Jubbooyinka.