Agosto 6 (radiowanlaweyn.com)— Dowladda Koofurta Sudan ayaa aqbashay in ciidan nabad ilaalin oo ka socda dalalka Gobolka loo soo diro, si ay gacan uga geystaan dhaqanka gelinta heshiiska nabadeed ee sanadkii la soo dhaafay laga gaaray colaadii dalkaas ka jirtay.

Shir deg deg ah oo Madaxda Urur Goboleedka shalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa la isku raacay in ciidan loo diro, balse lama shaacin xilliga la howl gelinayo ciidankaas, iyadoo xaalada Koofurta Sudan wal wal laga muujinayo.

Madaxda IGAD ayaa ku heshiiyay in haddii uu Riek Machar dib ugu laabto caasimadda Juba, uu dib ula wareegi doono xilka madaxweyne ku xigeenka koobaad, kaasoo dhawaan loo magacaabay Taban Deng.

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in ciidan ka socda Gobolka la geeyo dalkiisa, inkastoo horay u diidanaa.

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadineysay dhinacyada isku haya Koofurta Sudan inay aqbalaan ciidano nabad ilaalin ah, iyadoo horay u joogeen ciidamo ka socday Qaramada Midoobey.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo taabacsan Madaxweyne Kiir iyo Reik Machar ayaa ka dhacay caasimada Juba, kaasoo dhaliyay walaac ku aadan inuu dib u bilowdo dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka bilowday dhamaadkii sanadkii 2013.