Ayadoo qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro xoogan kadhacaan magaalada muqdisho kasoo fuliso kooxda shabaab ayaa haatan waxa soo baxeyso warar sheegaya in dhaawacyada qaraxyadaas waxyeelada kasoo gaarto in si fudud ugu geeriyoodaan goobaha dhaawacyadooda yalaan.

Mid kamid ah wadayaasha gadiidka deg dega ee dadka u gurmanaayo ayaa sheegay in goorta garaan goobaha meydadka iyo dhaawacyada yaalo ay lakulmaan dhibaato xoogan kasoo kasoo wajahdo ciidamo cadaan ah oo halkaas kusugan.

Wadaha gadiidkaas oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ciidamo cadaan oo ilaalo gaar ah kahayaan kuwa si gooni ah u ilaalsho ayaa sheegay in xanibaan gaadiidka deg deg ah madaama si gooni amaankooda loo ilaalinaayo ayna sababto in dhaawacyo badan oo halkaas yaalo u geeriyoodaan dhiig bax iyo daryeel xumo.

Sido kale waxa oo sii raaciyay qaraxii dhawaan kadhacay muqdisho gaar ahaan xarunta danbi baaris ay dhaawacyo ugeeriyoodeyn ilaa dhowr qof kadib markii ilaaladii ilaalineyse saraakisha cadaan ah ay xanibeyn gadiidka deg deg ah ilaa inta ka aruursanayeen Hilbaha dadkii fuliyay weerarkaas.

Isku soo wada duub saraakiil cadaan oo kasocda dalal shisheeyay ayaa ugaarsi kuhaayo hilbaha iyo meydadka raga fuliya weerarada ismiidaaminta ay kadhaca muqdisho waxaana sababtay in dhaawacyo badan oo u baahan gar gaar ay u geeriyoodaan arinkaas.

qaraxyadiiMuqdisho1

qaraxyadiiMuqdisho

Saraakiil-Ajnabi2

Saraakiil-Ajnabi