UAgosto 3 (radiowanlaweyn.com)—gu yaraan 22 qof oo looga cabsi qabo iney dhinteen ayaa la la’yahay ka dib markii buundo isku xirta magaalooyinka Mumbai iyo Goa ee galbeedka Hindiya ay duntay.

Laba bas oo siday dad badan ayaa ku dhacay wabiga subaxnimadii saaka xili ay dulmarayeen buundada duntay sida masuuliyinta India ay sheegeen.

Sarkaal ka tirsan booliiska oo la yiraahdo Sanjay Patil ayaa u sheegay wakaalada wararka AP, in shaqaalaha gargaarka aysan arkin dad badbaaday ama baabuur.

Waxaa xaalada uga sii daray Roob xoogan oo adkeeyay howlgalka shaqaalaha badbaadada. Baabuurta ayaa loo leexiyay buundo kale oo dhinac marta buundada duntay.

Madaxa hayadda qaranka ee gurmadka degdega Op Singh, ayaa sheegay in 80 qof oo shaqaale loo diray goobta kuwaasoo wata doonyo iyo dayuurado helicopter ah.

Buundada duntay oo aheyd mid gabowday ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1940-kii, waxaana dad badan ay dowlada India ku eedeynayaan ineysan shacabka uga digin isticmaalka buundadan duqowday.