Ayadoo dhawaan qaliin dhanka wadnaha looga sameeyay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug mudane Cabdirakiin Xuseen Guuleed ayaa haatan waxa soo baxaayo xogo shegaayo in mustaqbalkiisa caafimaad laga deyrinaayo.

Xogtaan oo laga soo xigtay ilo u dhow dhow qoyska madaxweynaha ayaa sheegaya in looga digay laba arimood oo kamidyihiin in siyaasada cakiran kusii jiro iyo waliba in oo kashaqeeyo shaqo culus oo jirka laga qadaayo.

Dhaqaatiirta ayaa usheegay in madaxweynaha in kusii jiro doono isbitaalka mudo todobaadyo ah ilaa inta laga xaqiijinaayo caafimaadkiisa wallow lasheegaya in haatan xaalka madaxweynaha yahay mid aad u wanaagsan.

Lama oga Guuleed sida oo kayeeli doono talada kasoo gaartay dhaqaatiirta caafimaadkiisa inkastoo xanuunkan oo haayay mudo fog balse haatan noqday xaaladii ugu darneyd