Agosto 3 (radiowanlaweyn.com)—Dowladda Uganda, ayaa waxay ciidan boolis ah u soo dirtay Magaalada Muqdisho, kuwaa oo qayb ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee joogga Somaliya.

Ciidankan oo Talaadadii ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo dhaween loogu sameeyay Xarunta Taliska Amisom ee Xalane.

Booliska cusub ee ka socda dalka Uganda, ayaa waxay bedel u yihiin boolis kale oo horey kaga joogay Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay dhameysteen mudadii loogu talla-galay inay jooggaan, oo hal sano ahayd.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Amisom, haweeneyda lagu magacaabo Christine Alalo oo la hadashay askarta cusub, ayaa ku soo dhaweysay ka qayb qaadashada hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Thomas Kamugisha oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee Uganda, ayaa sheegay diyaar inay u yihiin in ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo keenay dalka Somaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ciidan boolis ah oo ka kala socda Wadamada Ghana, Sierra Leone, Nigeria, Uganda iyo Kenya.

Taliska Booliska Amisom, ayaa dhawaan sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan suggida ammaanka goobaha lagu wado in lagu qabto doorashooyinka sanadkan la fillaayo inay ka dhacaan Somaliya.

Amisom Amisom1 Amisom2 Amisom3Amisom4 Amisom5 Amisom6 Amisom7 Amisom8 Amisom9