Agosto 2 (radiowanlaweyn.com)— Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu wado in maalinta berri uu furmo.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka soo degay diyaarado siday Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Puntland, kuwaasoo ka soo kicitimay magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe.

Waxaa kaloo maanta soo gaaray Muqdisho Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo shirka Madasha Wada-tashiga ka qeyb galaya, isagoo Kusime u ah, maadaama Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu howlo caafimaad ugu maqan yahay dalka Hindiya.

C/kariin Guuleed ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doonin shirka Madasha Wada-tashiga qaran, sababo caafimaad awgeed, waxaa bishii la soo dhaafay lagu sameeyay qalliin xaga wadnaha ah.

Madaxda ayaa dhamaan loo soo galbiyay xarunta Madaxtooyada, halkaasoo goor sii horeysay ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Waxaa caawa lagu wadaa in kulamo gaar gaar ah ay yeeshaan Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran, ka hor inta uusan shirka furmin maalinta berri.

Shirka Madasha wada-tashiga qaran ayaa waxaa hortagi doona Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal, kuwaasoo madaxda u gudbin doona qorshayaashooda.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in aanay doorashada ku qabsoomin waqtigii loogu tala galay ee bisha September, waxaana wali la qaban qorshayaashii lagu gaari lahaa doorashada.