1 Agoosto (radiowanlaweyn)-Imisa lacag ah ayey koox kasta oo horyaalka England Premier League ka ciyaarta ka heleysaa shirkadda ay ku xayeysiiso xabadka maaliyaddeeda xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017?

Hubanti, kooxaha ka ciyaara horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska Premier League ayaa lacagtii ugu badneyd abid isla markaana rikoor u noqon doonta horyaalkaan jeebka ku shuban doona xilli ciyaareedkaan cusub waxayna ka mahdinayaan heshiiska rikoorka ah ee ay xuquuqda baahinta horyaalkaan ku iibsadeen hillinka Sky Sports iyo BT Sport.

Laakiin sidaas oo kale lacago qaali ah ayey ka heli doonaan shirkadaha ay heshiisyada xayeysiiska ah kula jiraan – wuxuuna qiimo lacageedkaani noqon doonaa laba u jibbaar qiimihii lacageed ee usoo xarooday kooxaha Premier League lixdii sanno ee lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay shabakadda sportingintelligence.com, guud ahaan 20ka kooxood ee Premier League ayaa qiimo lacageed dhan 225.6 milyan oo ginni xilli ciyaareedkaan ka heli doona shirkadaha ay ku xayeysiiyaan xabadka maaliyaddooda.

Qiimeyntaan ayaa waxaa kaalinta labaad kasoo galay horyaalka Bundesliga ee dalka Germany, kooxihiisa ayaana wadar ahaan 101 milyan oo ginni xilli ciyaareedkaan ka heli doona heshiisyada xayeysiiska maaliyaddooda – La Liga ayaa keliya 65 milyan oo ginni ay uruursan doonaan 20ka kooxood ee ka qeybgelaya, waxaana xusid mudan inay horyaalka heerka koowaad ee Germany ciyaaraan keliya 18 kooxood.

Halkaan hoose ka eeg liiska qiimaha lacageed ee ay koox kasta oo horyaalka Premier League ah ka qaadan doonto shirkadda ay xayeysiiska kula jirto xilli ciyaareedka foodda natu soo haya 2016 illaa 2017 iyo weliba magaca shirkaddaas.

  • Middlesbrough (Ramsdens) – 1 milyan oo ginni
  • Leicester (King Power) – 1 milyan oo ginni
  • Watford (138.com) – 1.5 milyan oo ginni
  • Burnley (Dafabet) – 2 milyan oo ginni
  • Bournemouth (Mansion) – 2 milyan oo ginni
  • West Brom (UK-K8.COM) – 2.5 milyan oo ginni
  • Hull (SportPesa) – 3 milyan oo ginni
  • Stoke (Bet365) – 3.2 milyan oo ginni
  • Swansea (BETEAST) – 4 milyan oo ginni
  • Crystal Palace (Mansion) – 5 milyan oo ginni
  • Everton (Chang Beer) – 5.3 milyan oo ginni
  • West Ham (Betway) – 6 milyan oo ginni
  • Sunderland (Dafabet) – 6 milyan oo ginni
  • Southampton (Virgin Media) – 6 milyan oo ginni
  • Tottenham (AIA) – 16 milyan oo ginni
  • Manchester City (Etihad) – 20 milyan oo ginni
  • Liverpool (Standard Chartered) – 25 milyan oo ginni
  • Arsenal (Fly Emirates) – 30 milyan oo ginni
  • Chelsea (Yokohama) – 40 milyan oo ginni
  • Manchester United (Chevrolet) – 47 milyan oo ginni