Agosto 1 (radiowanlaweyn.com–Ma itaqaanaa? si fiican ii eeg? yaan kula ekahay?

Waxaan ahay somaalilander waxan ku jiraa xabsi, mudo ayaan xidhanahay.
Sababta la’ii xidhay ma mooganid, waad taqaanaa, haddana waan kuu sheegayaa.

Gamadiid (1)

Waxa lay xiray maxaad ugu gabayday dhacdadii ka dhacday france?
Maxaad u taageertay dadkii gaalada ka aarsaday?

Ma joogo dal gaalo, ma ihi faransiis, ku darsoo dadka i xiray cid ku amartay ma jirto in lay xiro, waxay igu doonanayaan waji. Maxkamad layma gayn imana geynayaan oo sharci ay igu xukumaan oo aan jebiyay ma jirto mana garanayaan waxaan ahaa muwaadin fikirkiisa gabay ku cabiray cid maan dilin qof muwaadin ah waxba uma geysan cid wax haloo geysto ma lihi muslin iyo gaalba laakiin xaqdarada dulmiga gardarada cidna haka yeelina uun baan iri

Waxan ahay abwaan wadani ah, waxaan ku magac dheerahay gamadiid.
Magaceygo dhameystirana waa, Cabdiwaaxid Cali Gamadiid.

France dad jooga ayaa aflagaadeeyay suubanaheeena muxamad SCW,
Cid xirtay ma jirto kuwaa nebi maxamed SCW aflagaadeeyay xarig iska daaye dawlada france lamay hadlin. Manay odhan maxaad aflagaadadaa u samayseen

Waxaan filayaa inaad I aqoonsatay, inaad I fahantay
Haddaba waan xiranahay, majirto cid xarigaygaa xaqdarada ah ka hadashay waxaan ahay muwaadin dalkiisii lagu bahdliyo oo cid loo cabiidinayo dhalinyaradii wey I ilaaween, Anigu dhalinyaraan ahay, waxaan idinka codsanayaa inaad ii kacdaan, abwaan muslim ah baan ahay, soomaalina waan ahay, dadka I xirayna waa xigaalkeey, has ayeeshee caqliga xigaal kama aha.

Gunaanadkii, Anigu ma ihi xagjir