July 31 (radiowanlaweyn.com)— Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ayaa dib ula wareegay deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool, kadib markii todobaadkii hore ay la wareegeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in howl gallo ay ka sameeyeen deegaanka Garasweyne ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aanu magaciisa sheegin

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan, isla markaana ay iskaashanayeen Ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed iyo Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galo laga sameeyay deegaano dhowr ah oo uu sheegay in Al-Shabaab dhibaatooyin ku hayeen.

Deegaanka Garasweyne oo 50KM u jira degmada Xudur ayaa waxaa saldhig u aheyd  Ciidamada Itoobiya, kuwaasoo todobaadkii hore isaga baxay, waxaana la wareegay Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay baneeyay fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen Gobolka Bakool.