July 28 (radiowanlaweyn.com)— Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah u soo bandhigtay natiijada Imtaxaanka Sanad Dugsiyeedka 2015-2016.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbaxarashada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Guud ahaan imtixaanka ayaa u fariisatay arday gaareysa 11574 iyadoo ay gudbeen arday dhan 10104 arday. Hase yeeshee imtixaankan ayaa waxaa ku dhacay arday gaareysa 1470arday. Ardayda labka ama wiilasha ah ee dhacday ayaa ah 981, halka ardayda dheddiga ama gabdhaha ah aysan gudbin 489arday.

Wasaarada waxbarashada ayaa soo bandhigtey shax ay ku qoran yihiin magacyada tobanka arday ee ugu sareysa imtixaanka iyadoo ardayga ugu dhibcaha sareeyay ay noqotay gabar wax ka barata dugsiga Macalin Caddow oo ku yaal magaalada Muqdisho. Gabadhan oo la yiraahdo Safiyo Shuceyb Cismaan ayaa ku gudubtay derejo dhan 94.4%. hase yeeshee saddexda arday ee ku xigta derejo ahaan ayaa ah kuwo wax ka dhigta dugsi ku yaal degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ardayga gobolka Sh/dhexe ee imtixaanka u fariisatay ayaa guud ahaan tiradoodu waxa ay gaareysay 299 arday waxaana ku gudbay imtixaanka 297 arday iyadoo labo arday wax ka barata dugsiyo kuyaal magaalada Jowhar ay ku dhaceen imtixaanka.

Hase yeeshee gabdhaha wax ka barta dugsiyada magaalada Jowhar ayaa natiijo wanaagsan ka keenay imtixaanka iyadoo tobanka arday ee ugu sareysa afar kamid ah ay yihiin gabdho.

Ardayga kaalinta 1aad ka galay dugsiyada magaalada Jowhar ayaa waxa uu yahay Sakariy Cabdfatax Axmed khalif oo dhigta dugsiga Shiikh Xanafi 89.3% halka uu kaalinta 2aadna ka galay Cabdraxmaan Haaruun Isaaq oo wax ka barta dugsiga Sh.Xanafi waxana uu helay 89.1%.

001

002