July 29 (radiowanlaweyn.com)-Dhacdo argagax badan leh, ayaa waxay Khamiistii ka dhacday dalka India, ka dib markii lamaane u dhashay dalkaasi uu faas ku dilay nin dulaanle ahaa, xilli uu ku lahaa lacag dhan 15 rupees oo u dhiganta 22 Cent.

Dhacdadan waxay ka dhacday Gobolka Uttar Pradesh, gaar ahaan xaafadda Lakhmipur oo ka tirsan Degmada Mainpuri.

Bharat Nat iyo xaaskiisa Mamta, ayaa waxay dukaanlaha buskut uga qaadeen saddex carruur ah oo ay dhalleen, waxayna u sheegeen in ay dib ka bixin doonaan lacagta.

Waxaa dhacday Khamiistii iyagoo ku sii jeeda goobtooda shaqada in ay wadada ku kulmaan dukaanlihii, waxaana uu si adag ugu amray in ay lacagtiisa siiyaan, iyagoose u sheegay inay siinayaan marka ay ka soo laabtaan goob ay u xoogsi taggaan, balse waxaa uu ku adkeystay inaanu doonayn waqti dambe oo uu lamaanahaasi siiyo.

Bharat Nat oo 48 jir ahaa iyo Mamta oo iyaduna 45 jir ahayd, ayaa waxay iska wateen inay sii socdaan, ninkii oo ku leexday hoygiisa oo goobtaa ka ag-dhawaa, ayaa soo qaatay faas oo sida la sheegay uu lamaanahaasi ku dilay.

Dukaanlihii oo aan magaciisa la sheegin, ayaa waxay wararku sheegayaan in marka hore uu faaska ku dilay Bharat, wax yar ka dibna uu raaciyay Mamta, xilli ay isu dayeeysay inay ninkeeda badbaadiso.

Booliska Gobolka Uttar Pradesh, ayaa gacanta ku soo dhigay dembiilaha, waxayna ku hayaan saldhig aan la carabaabin.

Qowmiyadda Dalit oo lamaanahaasi ay ka soo jeedeen, ayaa waxay dhacdadaan ka dib sameeyeen bannaanbax ay kaga soo horjeedaan dhacdadaasi. Waxayna jidgooyooyin dhigeen wadooyinka.

Ciidamada Booliska oo markii hore loo diiday inay gaaraan goobta uu falku ka dhacay, ayaa wadahadalo ka dib waxaa loo fasaxay in ay tagaan, iyagoona sawirraan ka qaaday meydadka dadkaasi.

Bulshada Dalit, ayaa waxaa lagu tilmaamaa bulshada reer India ee ku nool nolosha ugu hooseysa ee dalkaasi ka jirta.

India India1 India2 India3