July 29 (radiowanlaweyn.com)-Sida ay sheegayan wararka aan ka heleyno magaalada nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa halkaas shir aan caadi ahayn oo saacado qaatay kudhex maray ergeyga gaarka ee qaramada midoobe iyo waliba musharixiinta ugu cad cad jagada madaxweyninimo ee dhawaan kadhici doonto dalka soomaaliya.

Micheal keatinga ayaa Qoraal kooban uu soo dhigay boggiisa Towetter-ka ayuu ku sheegay in kulan saacado badan qaatay uu la yeeshay musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Somalia.

Musharaxiinta wakiilka la shiray waxaa kamid ah Cabdulaahi Cilmooge Xirsi,Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Cali Xaaji Warsame iyo qaar kale.

Somalia ayaa sanadkaan waxaa ka dhaceeyso Doorashada xilka madaxtinimo Ee Dalka Somalia waxaana isku soo taagay musharixiin aad u farabadan