July 28 (radiowanlaweyn.com)— Xildhibaan Khaliif  Maxamed Xaaji Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisa sii dhamaanaya ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid doorashada la filayay in dhowaan dalka ka dhacdo, isagoo xusay in waqtiga la heysto iyo shaqooyinka la rabo in la qabto aanay aheyn kuwo isu dhigma.

Xildhibaankan ayaa sheegay in Baarlamaanka hada jira uu 23 maalmood u harsan yahay, isla markaana hadii Baarlamaan cusub la keeni waayo uu Baarlamaankan shaqada sii heynayo, isagoo xusay in marka la gaaro 10-ka September xilkiisa ku eg yahay, sidaas Madaxweyne KMG uu dalka ku yeelanayo sida uu qabo dastuurka.

“Waxaa dib u dhac xooggan ka jiraa shaqadii la rabay in la qabto, iyo waqtiga la heysto, Agosto 20-keeda Baarlamaanka waqtigiisa ku eg yahay, wali ma aysan dhicin in ergada la xareeyo, odayaasha la xareeyo guddiyadii doorashada qaban lahaa la tababaro, marka intaas ayaa sabab u noqon karta in doorashada dib u dhacdo”ayuu yiri Xildhibaan Khaliif.

Jadwalkii ay soo bandhigeen Madax Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa ah mid uu gaabis ku jiro, isla markaana aanan wali wax howl ah la qaban, waxaana maalmahan wararka la isla dhex marayay ay aheyd in muddo kororsi bilooyin ah ay jiri doonto, si howsha taal lagu dhameystiro, doorashadana la qabo bilaha November ama December midkood.

Bisha soo socota ayaa lagu wadaa in Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran ay shir isugu yimaadaan, iyadoo shirkan looga hadlayo doorashooyinka, hase ahaatee shirkii Baydhabo oo ahaa kii ugu dambeeyay ee Madasha, lagana soo saaray qodobo dhowr ah ayaa la ogeyn shirkan kale ee la qaban doono bisha soo socota waxa soo cusbooneysiiyay, waxaase muuqata in howlihii la filayay in la qabto bishan ee ku taariikheysnaa jadwalkii la soo bandhigay aan haba yaraatee waxba ka qabsoomin