July 28 (radiowanlaweyn.com)-Adel Kermiche waa Wiil 19-jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Aljeeriya balse ku dhashay gudaha dalka Faransiiska bishii Maarso sanadkii 1997-kii . Wiilkaan yar ayaa fadeexo iyo niyad jab baaxad weyn u soo jiiday ciidamada Sirdoonka dalka Faransiiska .

Wiilkan ayaa ka mid ahaa ragii weeraray Kanisad ku taala waqooyiga dalka Faransiiska gaar ahaan magaalada Saint-Etienne Du-Rouvray wuxuuna gacantiisa ku bireeyay ama ku gowracay Baadari lagu magacaabo Jacques Hamel kaas oo 86-jir ahaa .

Kiiskaan ayaa noqday mid adag oo aad looga war hayo gudaha dalka Faransiiska maadaama Wiilka wax dilay ama wax weeraray ee Adel Kermiche , labo jeer oo isku xigto la soo qabtay isaga oo ku biiri raba kooxda Daacish kuwooda ka dagaalama dalka Siiriya .

Adel Kermiche ayaa mar waxaa laga soo qabtay gudaha dalka Germany isaga oo Siiriya u socday , marna ciidamada ilaalada xuduudaha dalka Turkiga ayaa soo qabtay xili uu ku sii jeeday dalka Siiriya si uu uga barbar dagaalamo kooxda Daacish .

Ugu dambeeyntii dhoor bilood oo xarig ah ka dib ciidamada Booliiska dalka Faransiiska ayaa lugta kaga xiray Adel Kermiche qalabka loo yaqaan (Hobble) kaas oo si sahlan loogu ogaan karo qof kasta halka uu joogo iyo hadii uu dalka dibadiisa u baxsado .

Sirdoonka dalka Faransiiska oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (DGSE) ayaa waxaa lagu eedeeyay kiiskaan inay ka seexdeen balse dhankooda waxeey kiiskaan adag iyo fadeexadaan dusha ka saareen booliiska dalka Faransiiska oo si sahlan ku sii daayay waliba yareestay qatarta Adel Kermichedexo_1 dexo_3 dexo_4