Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda olole ugu jira in dib loogu doorto xilka ayaa xaal marin iyo raaligelin isugu daray Nabadoon caana oo xurguf soo kala dhex gashay dhowr jeerna xadgudub ka tirsaday.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu lacag xaal marin ah oo mug leh iyo raaligelin siiyay Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor oo tan iyo dhismihii maamulka Galmudug khilaaf weyn ka dhaxeeyay, isla markaana waday qorshe ka dhan ah in din loo doorto Xasan Sheekh.

Xaalmarinta ayaa timid kadib markii madaxweynaha loo sheegay inaysan suuragal ahayn beeshiis oo kala qeybsan inuu tartan madaxweyne mar kale galo, taasoo keentay inuu lacag badan ku harqiyo Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor, halkaasin si kumeelgaara lagu soo afjaray xurguftii labada nin.

Xaflad shalay lagu taageeray Musharaxnimada Xasan Sheekh si mar kale xilka loogu doorto ayuu kasoo muuqday Nabadoon C/llaahi Geed