July 28 (radiowanlaweyn.com)—Labo General oo ka mid ah saraakisha ugu sarsareysay ciidamada dalka Turkiga ayaa iscasilay saacado kahor kulan uu golaha sare ee milatariga dalka Turkiga uu dib u eegis ku sameynayo ciidamada dalka Turkiga.

Generaladan ayaa  gudbiyay is casilaadooda iyagoo ka soo horjeeda shaqo ka fariisinta ay dowlada Turkiga ka fariisisay saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada Turkiga kadib afgambigii dhicisoobay.

Labadan general ayaa magacyadooda lagu sheegay Kamil Basoglu iyo Ihsan Uya oo ka mid ahaa ciidamada lugta ee dalka Turkiga.

Golaha kulmaya ayaa waxa uu ka kooban yahay taliyaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga.

Kulanka golaha sare ee ciidamada ayaa la soo hormariyay muddo toddobaad ah iyadoo hore loo qorsheeyay in bilowga bisha August uu dhaco balse lama shaacin sababaha dhabta ah ee loo soo hormariyay.

Kulankan ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka dhacayaa magaalada Ankara gaar ahaan madaxtooyada Cankaya halkii hore loogu qaban jirey xarumaha ciidamada Milatariga.

Wasiirka Gaashaandhigga Fikri Isik ayaa ka qeybgalaya kulanka iyadoo uu shir guddoomin doona Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Kulanka ayaa waxa uu socon doonaa  muddo hal maalin ah iyadoo hore uu u socon jirey saddex cisho, waxaana la filayaa in loogaga hadlo afgambigii dhicisoobay iyo weliba in 91 sarkaal oo la dalacsiinayo.

Dowlada Turkiga ayaa waxa ay shaqada ka eriday ciidamo gaaraya 1,223 kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 130 general tan iyo markii uu dhicisoobay afgambiga.

Dhinaca kale dowlada Turkiga ayaa waxa ay shaqada ka joojisay illaa iyo 16 taleefishin iyo saddex hay’ado warbaahineed kuwaasoo lagu eedeeyay inay taageerayeen ninka ay dowladu ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa afgambiga dhicisoobay Fethullah Gulen.

turkey (1)

turkey (2)

fadfd