July 28 (radiowanlaweyn)— Iyadoo maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 28-ka July maalinta Hey’adda caafimaadka Aduunka ee WHO u aqoonsatay maalinta loo asteeyey ka hortaga cudurka Cagaarshowga ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay uga digayaan bulshada qatarta uu cudurkaas leeyahay iyo saameynta caafimaadka uu qofka ku yeesho.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in cudurkan cagaarshowga uu yahay cudur qatar ah oo caalamku u aqoonsaday dilaaga aamusan.

“Cudurka Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day)  si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida amusan dadka u dila (Silent Killer)” ayuu yiri Dr Dufle.

Dr. Dufle ayaa sheegay in Cudurka cagaarshowga inay keenaan feyrusyo kala duwan kuwaasoo keeno burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaasoo oo uu sheegay iney ka mid yihiin Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV) ayuu intaa ku daray inuu yahay nooca ugu badan, uuna sanadkii ku dhaco tiro dhan 1.4 milyan, isagoo xusay inuu ku badan yahay caruurta iyo dadka waaweyn, isagoo tilmaamay in cudurkan uu mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab hab saf mareen ah (Outbreak).

“Wuxuu ku badan yahay Cagaarshowgu goobaha nadaafadoodu hooseyso dad badan ay ku nooloyihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro” ayuu intaa ku daray.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa intaa ku daray in cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan ay qaadaneyso muddo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaasoo uu tilmaamay in qofka saxarada ku gudbin kafro cudurkii ama feyruskii.

“Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa, wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form)” ayuu intaa ku daray Dr. Dufle.

Waxaa uu sheegay in si dadka looga wacyigeliyo qatarka cudurkan loo baahan yahay in dadku ay fahmaan waxaa keena cudurka, calaamadaha lagu garto, iyo sida looga daweeyo dadka, wuxuuna yiri isagoo arimahaas sharaxaya:-

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV) Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B ( HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah ( Chronic). Qiyaastii waxaa cudurkaan qaba aduunyada ama soo marey tiro dhan 2 bilyan oo qof,waxaa cudurkan la nool ama qabta 350 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

1-   Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.

2- Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).

3-   Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo,

4-  Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.

5-    Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).

6-    Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-

–     Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.

Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-

–     Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.

–     Bukaanada kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)

–     Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka

–     Buukanada HIV qaba oo difaacooda hooseyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B 7 maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaasku gudin kara cudurka.

Cagaarshoowga C  ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 170 ilaa 200 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka cusub uu ku dhaco waxey gaareysaa 3 – 4 milyan.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B,  taariikhdaas wixii ka horeeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow. Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If  baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Calaamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-

Qeybta Hore : Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka waxuu qabaa calaamooyinka sida labolabo , bog xanuun,  madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, qun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midib cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxey jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicanaayaan calaamadihii hore laakin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestey cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa , waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxey aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweyo dabka bukaanka la gubo.

Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestey , taasana waxey keeneysaa in bukaanku.

Dib u bilaabo socod iyo dhaqaaqiisi nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gubaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga.

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% – 30%  wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites)  (20% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu horeyn waa in la xoogiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in lailaaliyaa nadaafada raashiinka lacuno.

Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta dalqa gooynta qungooynta gudniinka

Wiilasha dhaga durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo  wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis)  ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore Bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6) ,Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent   kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga.

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa   marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.

Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:

  1. Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.
  2. Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan

(Energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabdidda khamiriga , sigaarka iyo  cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaadadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ay ka wanaagsan yahay daweynta.

dufle-cagar showdufle-cagaar showdufle (3)dufle (2)dufle (1)dufle